Mahad Salaad oo 200 casho jirsaday: Daahfurnaan mise madmadow?

Image
Laba boqol maalmood ayaa kasoo wareegatay markii loo magacaabay agaasimaha hay'adda NISA.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kow iyo toban maalmood kadib markii 15-kii May, 2022 loo doortey in uu mar kale hogaamiyo Soomaaliya, madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu Mahad Maxamed Salaad u magacaabay agaasimaha hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka  ee NISA.

Xulashadaas oo lagu dhawaaqay 26-kii May, 2022 ayaa laga joogaa 200 casho. Todobadaas bilood, dagaalka Al-Shabaab ayaa ahaa mawduuca ugu hadalheynta badan. Qoraalo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu muujiyey in NISA ay qaadatay door hogaamin gaar ahaan xuraanka.

Macluumaadka mukhaabaraadka ee ay NISA ayaa xudun u ahaa duqeymaha diyaaradeed oo lagu taageeray howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay iska kaashanayaan milatariga iyo dadka degaanka, sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedyadda wasaaradda warfaafinta federaalka.

Weerarada dhinaca cirka oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka iyo Turkiga ayaa ku riixay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida in ay caasimada ka fuliyaan weeraro aasrgoosi ah kuwaasoo kahor inta aysan dhicin ay ka digeen safaaradaha reer galbeedka.

Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee u muuqda aargoosiga oo badankooda ka dhacay caasimada Muqdisho ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca dad u badan shacab. Balse, falalkaas waxay dowladda u noqdeen fursad ay ku muujiso in ficilada kooxda aysan sal ku lahayn Islaamka.

Daahfurnaan mise is-qarin?

Sida caadiga ah, sirdoon marka qofku maqlo waxaa kusoo dhacaysa shaqo daaha gadaashiisa laga qabanayo. Dabcan waa sida ay sameeyaan saraakiisha howlgalka fulinaysa balse waa lagu kala aragti duwan yahay marka ay timaado in hogaankuna qudhiisu ay tahay in uu is-qariyo.

Hab-dhaqanka ah in aan shaashadaha warbaahinta laga soo muuqan ama aad loo xadido daahfurnaanta wuxuu aad ugu batay Soomaaliya shantii sano lasoo dhaafay. Hogaankii hore ee NISA waxa uu ahaa tusaalaha ugu sareeya ee loosoo qaato mar walba oo mawduucan laga hadlayo.

Balse, Mahad Salaad ayaa u muuqda mid qaatay go'aan kaasi ka duwan. Ku dhowaad saddex jeer ayuu kasoo muuqdey safaro madaxweynuhu ku tagay dalal sidda Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo Masar. Macluumaadka ku saabsan dhaqdhaqaaqiisa ayaa sahal noqday, wallow ay halis tahay.

Bishii hore November, Mahad ayaa dhigiisa Itoobiya Temesgen Tiuneh kula heshiiyey wadaaga xogaha iyo iskaashi ka dhan ah AlShabaab. Heshiiska ayaa si furan loogu soo bandhigay warbaahinta. Waa dhacdo aan horey loo arkin ayna dadka qaar ku qeexeen "kalsooni dhisid".

Dabagalka iyo xuuraanka ayaa khuburada ammaanku waxay rumeysan yihiin in ay muhiim tahay in lagu dhinac waddo dagaalka tooska ah isla markaana tahay qaabka kaliya ee looga adkaan karo maleyshiyaadka Al-Shabaab isla markaana lagu xasilin karo magaala madaxda Muqdisho.

Xal iyo soojeedin masiir ah

Mas'uuliyiin, saraakiil kasoo shaqeeyay amniga iyo siyaasiyiin ayaa dhowr jeer oo kala duwan shaaca ka dhigay in xaqiijinta ammaanka Muqdisho uu fure u noqon karo in gobolada ku xeero ay xasilooni helaan maadaama caasimada ay tahay meesha laga abaabulo duulaanka dowladda.

"Maadaama goboladda lagu soo jebiyay, AlShabaab waxay aad u soo galeen Muqdisho. Waa in la adkeeyo baraha kontaroolada. Waa in diirada la saaro xog helida badalka ka dabataga," ayuu Cabdiraxmaan Tuuryare, agaasimihii hore ee NISA u sheegay Garowe Online bishii hore.

NISA ayaa haatan leh saraakiil dharcad ah kuwaasoo jooga meelo ay kamid yihiim baraha kontaroolada gudaha iyo daafaha caasimadda si lamid ah garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Tuuryarre wuxuu soojeediyay in la dardargeliyo "dhexgalka Khawaariijta si maalmaha u haray loo afjaro".

Xeeldheereyaasha ayaa sidoo kale waxay soo jeedinayaan in muhiim ah tahay in hanaanka shaqo qorista hay'adda lagu saleeyo xirfad iyo in ay iska dhex-arkaan qeybaha kala duwan ee degaanada Soomaalida taasoo sarre u qaadi karta wadashaqeyn iyo kalsooni ay ka hesho shacabka.

Sikastaba, miisaanka la saari karo labada boqol maalmood lasoo dhaafay ee Mahad Salaad ku qaatay hogaaminta NISA ayaa aad u kooban sababo ku aadan mudada kooban balse wax qabashada daldaloodan waxay sawiri dooonan waxtarka hay'adda labaatanka (20) sano nagu soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Muqdisho: Ma Ka daran dibi dhal baa mise Waan socon way-nee aan Oradno?

Falcelin kala duwan ayaa laga bixiyay qoraalka uu gabagabada Kulanka ka faafiyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

  • Faalada Warka

    17-10-2024

  • 05:04AM

Muxuu isbaheysiga 2024 uga duwan yahay xulafadii 2018?

Masar iyo Eritrea ayaanan wax joogitaan ciidan ah ku lahayn gudaha Soomaaliya halka Itoobiya ay ciidamo badan ka joogaa gudaha waddanka.

  • Faalada Warka

    10-10-2024

  • 02:40PM