Shirkadaha tiknoolajiyada USA oo ka cararaya Shiinaha
SHIINAHA - Yahoo Inc. ayaa ka baxaysa suuqa tignoolajiyada Shiinaha, iyada oo joojinaysa adeegyadeeda dalkaas Bishan, kadib markii ay soo wajaheen caqabado "xididaada ganacsiga oo sii kordhaya" iyo sharciga.
Shirkadaha tignoolajiyada Mareykanka, ayaa kasoo wada cararaya Shiinaha oo dowladda soo saartay xeerar kuwii hore ka adag, oo qeexaya sida u ururiyaan una kaydiyaan xogta dadka isticmaalla aaladaha.
Shirkadaha tignoolajiyada waxay go'aansadeen in ka fogaadaan khatarta sumcadooda soo wajahday, taasoo ka weyn faa'iidooyinka ay helayaan hadii ay ku sii jiraan suuqa Shiinaha, oo noqday mid xididan.
Yahoo Inc. ayaa bayaan ay soo saartay Talaadadii ku sheegtay in adeegyadeeda Shiinaha ay joogsadeen November 1. Isticmaalayaasha booqanaya barta Engadget China ee ay maamusho Yahoo toddobaadkan waxay helayaan ogeysiis soo baxay oo sheegaya in barta ay booqdeen aysan shaqeynayn.
Bishii hore, madash isku xirka xirfadlayaasha ee LinkedIn oo ay leedahay shirkadda Microsoft, ayaa sheegtay inay xirayso qeybta Shiinaha dhawaan, islamarkaana ay ku beddeli doonto wakiillo u qabta shaqooyinka macaamiisheeda ku xiran barteeda Internet-ka.
Epic Games, oo ku shaqeeya ciyaarta fiidyaha caanka ah ee Fortnite, ayaa sidoo kale sheegtay in ay ka bixi doonaan suuqa Shiinaha laga bilaabo 15-ka Nov. Shirkadda ayaa partner la lahayd shirkadda ugu weyn Shiinaha ee ciyaaraha, Tencent, oo leh 40 boqolkiiba saamiga Epic Games.
Maxay Shirkadaha uga soo cararayaan Shiinaha?
Sharciga Ilaalinta Macluumaadka Shakhsi [Personal Information Protection Law], oo dhaqan galay Nov 1 ayaa xaddidaya tirada macluumaadka shirkadaha loo oggol yahay inay ururiyaan, wuxuuna dejiyaa xeerarka sida ay tahay in loo kaydiyo.
Shirkadaha waxaa lagu amray inay helaan ogolaanshaha isticmaalayaasha [Users] si ay u ururiyaan, isticmaalaan ama u faafiyaan xogta ay leeyihiin, waana mid kale oo caqabad ku noqotay habka xog-wadaaga.
Sharciga cusub ayaa kor u qaadaya kharashaadka u hoggaansanaanta, wuxuuna hoos u dhaw ku keenayaa dhaqaalihii ay ka heli jireen shirkadaha reer galbeedka suuqa Shiinaha. Shirkad kasta oo lagu qabto inay jabinayso shuruucda waxaa lagu ganaaxayaa 50 milyan yuan oo u dhiganta ($7.8 milyan) ama waxaa laga qaadayaa boqolkiiba 5 dakhligooda sanadka.
Saraakiisha dowladda Shiinaha ayaa sheegaya inay ka hortagayaan in shirkadaha tignoolajiyada Mareykanka ay si khaldan u adeegsadaan xogta macaamiisha iyo in ay howlo basaas loo adeegso.
Tani waxay imaanaysaa xili Mareykanka iyo Shiinaha ay isku hayaan tignoolajiyada iyo ganacsiga. Washington ayaa xayiraad kusoo rogtay Huawei iyo shirkadaha kale ee teknolojiyadda Shiinaha, iyagoo ku eedeeyay inay xiriir la leeyihiin militariga Shiinaha iyo dowladda.
Shirkadaha maxalliga ah ayaa sidoo kale dareemaya beegsi lagu hayo gudaha Mareykanka, iyadoo shirkadaha e-commerce [Ganacsiga Online-ka], sida Alibaba ay wajahayaan ganaax.
Waa maxay caqabadaha kale ay kala kulmaan Shiinaha?
Shiinaha waxuu leeyahay hab u gaar ah oo ku faafreebo macluumaadka shirkadaha Mareykanka ay gudbiyaan, kaasoo loo yaqaano "Great Firewall", oo awood badan u leh inuu kala shaandheeyo xogaha.
Macluumaad kasta oo loo arko inuu lidi ku yahay siyaasadda Shiinaha ama aan habboonayn waxaa laga saaraa internet-ka. Shirkaduhu waxay noqdeen kuwa la koontaroolaya xili kasta, oo dhaq-dhaqaada aan xor ahayn.
Baraha bulshadda, sida Facebook iyo Twitter ayaa muddo dheer xannibnaa, iyagoo la jaanqaadi waayay hanaanka uu ku shaqeeyo “Great Firewall”, waxaana laga joojiyay guud ahaan Shiinaha isticmaalka barahan Social Media.
Shiinaha wuxuu dejiyay siyaasad aad u adag oo lagu maamulayo shirkadaha internet-ka ee Mareykanka, oo luminaya macaamiisha ugu badan, maadaama ay joojinayaan shaqadooda dalka ugu dadka badan dunida.
Michael Norris, oo katirsan Hay'adda la-talinta ee fadhigeedu yahay Shanghai, Shiinaha ayaa sheegay in kharashyada u hoggaansamida sharciga cusub ay aad kor ugu kici doonaan sanadaha soo socda, hadii uu sii socda dagaalka Mareykanka iyo Shiinaha ee dhanka ganacsiga, kaasoo soo billowday xiligii Trump.
Sannadkii 2007dii, Yahoo Inc. ayaa lagu eedeeyay in ay dawladda Shiinaha u gacan galisay macluumaad ku saabsan dad la baadi-goobayay gudaha dalka, taasoo horseeday ugu dambayntii in xabsiga la dhigo.
Shirkadaha ajnabiga ah ee teknolojiyadda ee ka shaqeeya Shiinaha ayaa sidoo kale la kulma cadaadis uga imaanaya suuqa. Qaar ka mid ah sharci-dajiyayaasha Mareykanka ayaa dhaleeceeyay faafreebka.
GAROWE ONLINE