Maxay tahay cuntadda aqoonsiga ka heshay UNESCO?
NEW YORK, USA - Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa Arbacadii aqoonsi caalami ah siisay cunada ee dalka Senegal aadka looga cuno ee ka ooban bariis iyo kalluun loona yaqaano "thiebou dieune".
Wasaaradda dhaqanka ee Senegal ayaa UNESCO ka codsatay in cunada ay liiska dhaqanka caalamiga lagu daro maadaama si weyn looga isticmaalo dalkan dhaca Galbeedka Afrika.
Liiska lagu daray cunadan ayaa ah hiddaha dhaqanka ee aan la taaban karin. Dalabka wasaaradda waxaa lasoo wariyey in la gudbiyey bishii Oktoobar ee sanadkan sii dhamaanaya 2021-ka.
"Thiebou dieune" macneheedu waa "bariis kalluun leh". Erayadan waa luqadda Wolof ee Senegal. Inta badan waxaa lagu diyaariyaa khudaarta sida kasaafada ama yaanyada, waxaana inta badan la cunnaa xilliga qadada.
Magaalada Saint-Louis oo dhacda waqooyiga waddanka Senegal ayaa, sida ku xusan warbixinta, waxaa la rumeysan yahay inay tahay meesha asal ahaan laga leeyahay cunadan.
Magaalada, oo horey u ahayd Xarunta Dhaxalka Adduunka ee UNESCO, ayaa xuduud la leh Badweynta Atlaantigga waxayna martigelisaa bulsho kalluumaysi oo horumarsan.
"Cuntada iyo farsamada dhaqan ahaan waxay u gudbiyaan hooyada ilaa gabadheeda," UNESCO ayaa tiri, iyadoo raacisay in cuntaddan lagu cuno gacmaha.
Thiebou dieune - oo sidoo kale lagu qoray "Ceebu jen" ee Wolof - wuxuu ku biirayaa cuntooyinka kale ee la xiriira liiska UNESCO, sida farshaxanka Neapolitan "Pizzaiuolo", iyo dhigooda laga helo Mauritania, Morocco, Algeria iyo Tunisia.
GAROWE ONLINE