Aabe iyo wiilkiisa oo ku naf-waayay dab ka dhashay gaari shidaal
DHUUSAMAREEB, Galmudug - Magaalada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa maqribnimadii Jimcihii ka kacay dab khasaare geystay, sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.
Dabkan ayaa ka dambeeyay kaddib markii gaari nooca shidaalka qaada ah uu dab ku qabsaday kaalin shidaal, waxaana ka dhashay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Inkastoo aan la ogeyn waxa sababay dabkan, hadana waxaa la rumeysan yahay in uu ahaa mid aan ku talagal ahayn. Ma jirto wax mas'uul ah oo illaa haatan bixiyey sharaxaad buuxda.
Labada qof ee geeriyootay ayaa warbaahinta dowladda Soomaaliya waxa ay magacyadooda ku sheegtay Aabbe iyo wiil, Dhagalab Aadan Suulay iyo Siciid Dhagalaab.
Dhacdadan ayaa argagax iyo murugo ku beertay bulshada, waxaana ay walaac ka muujisay u diyaar garowga xaaladaha degdega ah ee gobolka iyo baahida loo qabo in la hagaajiyo shuruucda amniga.
Dabkan ayaa sidoo kale waxa uu daaha ka qaaday welwelka joogtada ah ee ku aaddan in aysan si dhameystiran u shaqeyn karin kaabeyaasha gurmadka degdegga ah ee gobolka.
Dawladda hoose ayaa ku andacootey in ay ku hawlanayd sidii arrimahaas wax looga qaban lahaa, hase yeeshee horumarku uu gaabis ku yimid, sababo la xiriira dhaqaale la'aan aan la qiyaasi karin.
GAROWE ONLINE