Aadan Bare Ducaale: Al-Shabaab gabaad kama helayaan Kenya

Image
Wasiirka Gaashaandhiga Kenya ayaa soo bandhigay qorshahooda kadib dhimista ciidankooda ka tirsan ATMIS.

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa 14 saldhig oo si heer sarre u qalabaysan ka dhistay xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ammaanka aaggaas.

Talaabaddan ayaa waxay ka horraysaa qorshaha dhimista ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga, Aadan Barre Ducaale.

“Waxaan si buuxda uga go’annahay in marka la dhimo Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) uu yimaado, in aan dal ahaan amnigeena ku sugno, annagoo hubinayna in marka al-Shabaab ay dareemaan kulaylka Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya aysan u imaan inay helaan magangelyo Kenya," ayuu xusay.

Ducaale oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas kusii daray: "Ciidamadeenu waxay si muuqata uga sugan yihiin xuduudka si ay u hubiyaan in Kenyanku ammaan yihiin".

Ducaale waxa uu hadalkan ka sheegay mar uu hor-tagay Guddida Waaxaha ee Difaaca, Sirdoonka iyo Xiriirka Dibadda, si uu u difaaco Miisaaniyadda Wasaaradda ee Sannad-maaliyadeedka 2023/24.

Ciidamada Kenya ayaa ugu biiray howlgalka Midowga Afrika si ay u baacsadaan oo ay u xakameeyaan dhaq dhaqaaqyada kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab taasoo fariisinkeeda ugu weyn yahay Soomaaliya.

Madaxweyne William Ruto oo dhowaan si adag u hadlay ayaa wareysi hore ku sheegay in dhimistu ay bilaaban doonto sanadka 2024-ka si Soomaaliya loogu ogolaado inay xasiliso.

Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaaday deegaano ka tirsan  ismaamulada Mandera iyo Gaarisa taasi oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo isugu jira shacab iyo askar ka tirsan ciidanka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM