Al-Shabaab oo weerartey degaan dhowaan laga faromaroojiyey
KISMAAYO, Jubaland - Qarax jugtiisa aad loo maqlay ayaa laga soo wariyey tuulada Bulogudud oo ku dhow degaanka Jana Cabdalle oo ciidamadda maamulka Jubaland ay la wareegeen bishii Janaayo.
Al-Shabaab oo qoraal kooban soo dhexmariyey warbaahinta ku hadasha afkooda ayaa sheegatay in qaraxa uu bilow u ahaa weerar toos ah. Illaa haatan, lama ogga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac.
Saraakiisha amniga oo sheegay in ay iska-caabiyeen "duulaanka fuleynimada ah" ayaa tibaaxay in dhankooda uu khasaaro jiro "balse ay gadaal ka fahfaahin doonan tirokoobka guud ahaan".
Illo wareedyo madax-banaan ayaa xaqiijiyey in iska-hor-imaad kooban uu dhexmaray dagaalameyaasha Al-Shabaab iyo ciidamadda kadib markii uu dhacay qarax loo adeegsadey baabuur.
Fahfaahinta qaar ayaa soo jeedinaysa in waxyeeladda soo gaartey dhanka ciidamadda huwanta ah ay ka badan tahay ugu yaraan 7 askari oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
"Looma dhowaan karo meesha ay wax ka dhaceen maxaa yeelay ciidamadda ayaa dadweynaha iyo wariyeyaasha u ogolayn sababo ammaan aawadeed," ayuu yiri qof goobjooge ah oo la hadlay GO.
Weerarkan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli Jubaland ay maalmihii lasoo dhaafay wadday abaabul ay ugu diyaar-garoobeyso in ay qaado guluf ciidan oo ay Al-Shabaab kaga qabsaneyso dhulka ay gacanta ku hayso.
GAROWE ONLINE