Askari Kenyaan ah oo ku dhaawacntay qarax lala xiriiriyey Al-Shabaab
BELED-XAAWO, Kenya - Ugu yaraan todobo askari oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay kadib markii gaari ay la socdeen uu dulmaray qarax miino oo loogu maleegay Koonfurta magaaladda Mandheera Arbacadii.
Dhibanayaasha ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan, iyadoo qaarkood ay dhaawacyo ka soo gaareen madaxa, luqunta, iyo laabta intii lagu jiray weerarka subaxnimadii.
Qaraxa ayaa si istaraatiiji ah loogu aasay dhanka bidix ee wadada, taasoo keentay shilka. Sida ay sheegeen Booliska, askartan ayaa la socday gaari gaashaaman oo Land Rover ah oo marayay wadada isku xirta Ceelwaaq iyo Calangu.
"Qaraxa wuxuu ku dhacay dhinaca bidix oo ka dambeeya kursiga taliyaha," ayaa lagu yiri warbixinta bilayska. Waxaa la rumeysan yahay in weerarkaas ay soo abaabuleen rag ka tirsan Al-Shabaab.
Saraakiishan ayaa horay u tagay Ceelwaaq si ay shidaal ugu shubaan gaarigooda ka hor inta uusan falkaasi dhicin. Saraakiisha dhaawaca ayaa loola cararay Isbitaalka Gudbinta Degmada Ceelwaaq, si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.
Ciidamada oo ka falcelinaya weerarka ayaa waxa ay bilaabeen howlgalo baaritaano ah oo ay ku baadi goobayaan kooxihii weerarka soo qaaday. Ma cadda haddii ay dambiileyaasl soo qabtey.
Weerarkan ayaa ku soo beegmay hal todobaad uun ka dib markii askari booliis ah lagu dilay labo kalena lagu dhaawacay kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay baasuuke ku weerareen gaari ay saarnaayeen oo Landcruiser ah isla degmada Mandheera.
Gaariga la weeraray waxaa la socday saraakiil ka tirsan ciidamada Quick Response Unit (QRU) oo roondo joogta ah ku jiray, waxaana lagu weeraray Waqooyiga Mandheera oo ku dhow xuduudka Kenya iyo Soomaaliya.
GAROWE ONLINE