Boqortooyadda UK oo safiir cusub usoo magacaabatay Soomaaliya
LONDON, UK - Boqortooyadda Ingiriiska ayaa safiir cusub waxay usoo magacowdey Soomaaliya. Michael Nithavrianakis ayaa, sidda ku xusan war-saxaafadeed, waxa uu badalayaa haweeneyda Kate Foster.
Foster ayaa waxaa loo magacaabayaa waajibaad kale oo diblumaasiyadeed. Mr Nithavrianakis ayaa qorshuhu yahay in uu xilka si rasmi ah ula wareego inta lagu jiro bisha May sanadkan 2023.
Nithavrianakis ayaa waajibaadka diblumaasiyadda kusoo dhex-jiray tan iyo 1984 waxaana uu soo qabtey xilal kala duwan oo ay kamid yihiin qunsul-guud si lamid ah xoghaye koowaad iyo labaad.
Mudadii u dhaxeysay 2022 ilaa 2023 Nithavrianakis ayaa magaaladda Milan ee Talyaaniga waxa uu ka ahaa Qunsulka Guud safaaradda Ingiriiska iyo Agaasimaha Ganacsiga si lamid ah Maalgashiga.
Sanadii 2019 ilaa 2022 Ku-xigeenka Wakiilka Sare iyo Agaasimaha Ganacsiga & Maalgashiga ayuu ka ahaa qunsulyadda Britain ku leedahay magaaladda Karachi ee Pakistan.
Riyadh ayuu kasoo noqdey xoghayaha koowaad ee arrimaha ganacsiga 2000 ilaa 2001 halka uu Accra oo Ghana ah uu Xoghayaha Labaad ee arrimaha siyaasadda/saxaafada uu ka ahaa 1997 ilaa 2000.
Intii u dhaxeysay 2005 ilaa 2009 Ku Xigeenka Madaxa Ergada iyo Qunsulka Guud ee safaaradda Ingiriiska caasimada Gariiga ee Athens ayuu ahaa, ka hor inta uusan noqon Agaasimaha Ganacsiga iyo Maalgashiga.
GAROWE ONLINE