John Kerry: looma baahna taageerada Iran

Image


Sabti, Sept 13, 2014 (Garowe Online)- Dowladda Maraykanka ayaa diidey in Iran qayb ka noqoto wadamada isu xulafaysanaya la dagaalanka Dowladda Islaamiga ah (IS) ee dalka Ciraaq.

Xog-hayaha Arimaha Dibadda Maraykanka John Kerry oo isagu maalmihii u dambeeyey socdaal ku marayey Bariga Dhexe, wuxuu sheegay in aan loo baahnayn Iran inay qayb ka noqoto isbahaysiga ka dhanka ah IS.

Dhanka kale, dowladda Turkiga ayaa ka walaacsan inay ku biirto xulafada uu Maraykanku samaysanayo. Ra'iisul Wasaaraha Turkgia Ahmet Davutoğlu ayaa tilmaamay in qorshaha Maraykanka ee ka dhanka ah IS uu yahay mid aan horseedi doonin xasillooni siyaasadeed oo ka dhalata Ciraaq.

Turkigu wuxuu ballan qaaday in Maraykanka iyo xulufadiisa uu ka caawin dooni sidii ay dekedaha iyo garoomada Tukiga saadka ugla soo degi lahaayeen, balse si toos ah dagaalka lala gelayo IS aysan qayb uga noqon doonin.

Socdaalka John Kerry ee Bariga Dhexe oo dalka Turkiga kusoo gaba gaboobay, waxay ujeedadiisu ahayd sidii Maraykanku uu madaxda gobolka uga heli heli lahaa taageero ku aadan wiiqista awoodda militeri ee Ururka IS.

Ilaa iyo hadda toban dal oo Carab ah ayaa ka jawaabay codsiga Maraykanka, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada dagaal baahsan oo Maraykanku uu hormuud ka noqon doono.

Ururka IS oo ah urur sunni ah oo mayal adag, islamarkaana leh dhaqaale iyo ciidan xoogan, wuxuu xilligan ka arrimiyaa qaybo badan oo kamid ah dalalka Ciraaq iyo Suuriya. Maraykanka iyo wadamada gobolka ayaa ka walaacsan awoodda sii baahaysa ee ururkaas oo isagu mar sii horreysey ku dhawaaqay maamul islaami ah (khilaafo). Khariidadda khilaafadaasi doonayso in ay gaarto shanta sano ee soo socota waxaa ku jira qaybo badan oo kamid ah qaaradaha Aasiya, Afrika iyo Yurub.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM