Laamaha amniga Uganda oo ka digey weerarro ka yimaada dhanka Al-shabaab

Image

Sept 10, 2014 (Garowe Online)- Laamaha ammaanka ee dalka Uganda ayaa ka digey weerarro horleh oo laga yaabo in Al-shabaab qorshaynayso inay ka geysato gudaha dalka Uganda.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda Jen. Katumba Wamala, ayaa arrintan kusoo hadal qaaday waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska The Observer ee isla dalka Uganda kasoo baxa.

Katumba oo la waydiiyey sababta keentay in Uganda cabsida intaas le'eg ka qabto weerarro uga yimaada dhanka Al-shabaab, wuxuu u sababeeyey maadaama Uganda tahay dalka ciidamada ugu badani Soomaaliya ka joogaan, horseedna ay ka tahay hawgallada Al-shabaab looga qabsaday deegaano badanoo ay ku xoogganaayeen.

"weerarrada argagixisadu khatar ayey nugu yihiin marka aan joogno Muqdisho iyo marka aan joogo dalka hooyo labadaba, sababtoo ah Al-shabaab waxay ogtahay in aanu nahay dalka hormuudka ka ah hawlgallada looga saaray deegaano badanoo ay horay ugu sugnaayeen..." Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda ayaa sidaas u sheegay wargeyska The Observer.

Bishan September kowdeedii duqeyn ay geysteen diyaaradaha Maraykanku oo ka dhacday meel u dhow deegaanka Haawaay ee gobolka Shabeelada Hoose, waxaa lagu diley Axmed Cabdi Godane oo ahaa hoggaamiyihii Al-shabaab lixdii sano ee ugu dambeysey.

Dilka Axmed Godane kaddib, waxaa soo baxday cabsi laga qabo weerarro ay kooxdaasi geysato, kuwaasoo jawaab u ah dilka Godane oo magaciisa xarakiga ahi uu ahaa Sheekh Mukhtaar Abu Zubeyr.

July 11 sanadkii 2010, qaraxyo ka dhacay labo goobood oo ku yaalla magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda laguna daawanayey ciyaaraha kubadda cagta ee Koobka Aduunka waxaa ku geeriyoodey 74 qof tiro intaas ka badanna dhaawacyo ayaa ka soo gaaray. Mas'uuliyadda labadaas qarax waxaa sheegtay Ururka Al-shabaab oo xiriir dhow laleh shabakadda Al-qaacida.

GAROWE ONLINE.

 

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM