Waa imisa lacagta ku baxday arooska Amiir Harry Iyo Meghan?

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

LONDON - Ugu dambeyntii, Amiir Harry oo kamid ah qoyska boqortooyadda Ingiriiska iyo Meghan Markle oo ah Gabar Mareykan ah oo Filimada Hollywood jisha, waa ay is-guursadeen, waxaana ay dhigteen mid kamid lagu tilmaamay arooskii ugu qaalisanaa abid dunida ka dhaca.

Laakiin, su’aalo badan ayaa ku xeedaaban arooskaan, taasoo ay ugu wayn tahay, cadada lacagta wadar ahaanheed ee ku baxday aroostaa, inkastoo qoyska Boqortooyadda Ingiriiska aysan si faah-faahsan uga hadlin arrintaan.

Inkastoo aysan ahayn wax layaab leh inay sidaan sameeyaan, hadana marka laga hadlo lacagta ay Miisaaniyad ahaan uqaateen sanadkaan qoyska boqortooyadda waa 80 Milyan oo Yuuroo.

Sida laga soo xigtay wararka, lacagta ku baxday arooska Amiir Harry iyo Meghan waa 48 Milyan oo Yuuroo, taasoo ka badan lacagtii uu ku aqal-galay walaakiisa Amiir William, kaasoo aqoorsay Gabadha lagu magacaabo Catherina, sanadkii hore.

Inkastoo, lacagta ku baxday arooska Amiir William aan la shaacin haddana Bogga lagu magacaabo Bridebook ayaa fahansan in lacagta ku baxday arooska Amiir William ay ka yar tahay mida ku baxday tan walaalkiisa Harry.

Arooska Amiir Harry kaliya Toortaha waxaa lagu sheegay qiimaha ay ku fadhiso £50,000, halka Ubaxa lagu soo bixiyay £110,000, qeybaha kale ee cuntooyinka kala duwan ee Arooska laga is-ticmaalay waxaa lagu qiimeeyay aduun dhan £286,000.

Amiir Harry ayaa waxaa Ayeeyo u ah Boqoradda dalka Ingiriiska Queen Elisabeth labaad, taasoo dhowaan gudoonsiiyay darajada ugu sareysa ee Boqornimada UK, waxaana hada uu kusoo biiriyey qoyska boqortooyadda Gabar asalkeedu madow yahay, taasoo taariikhda gashay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM