Canada oo ku dhawaaqday hanaan cusub dhanka fiisaha ah
TORONTO, Canada - Dalka Canada ayaa ku dhawaaqay in qaab cusub oo Visa kumeel gaar ah ay u dalban karaan dadka iyagu uu u xuraysan yahay daganaanshiyaha rasmiga ah ee dalkaas.
Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo Jinsiyadaha dalkaas, Sean Fraser, ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu Twitter ku leeyahay ku yiri "Qoysasku waxay mudan yihiin in ay midoobaan".
Qorshahaan cusub ayaa lagu tilmaamay mid 30 beri gudahood uu ku heli doono go'aan dadka dalbanaya Visaha dalkaas iyada oo ay xeraysan karaan oo kaliya dadka iyagu uu dalban yahay ama sugaya Daganaanshiyaha rasmiga ah ee dalkaas si ay ula midoobaan qoysaskooda.
Soomaali badan ayaa waxa ay ku nool yihiin waqooyiga qaaradda Ameerika iyo Canada iyada oo kumanaan kalena ay haatan sugayaan in ay halkaasi dib u dejin ka helaan.
Qoysaska kala maqnaa mudada ayuu u fududaynayaa barnaamijkaan in ay dib u midoobaan si kumeel gaar ah iyada oo uu qofku soo laaban doono si uu u sugo ama u dhamaystiro ilaa uu ka helo dib u dejinta rasmiga ah.
Codsadayaasha in ay la midoobaan qoysaskooda ee dalalka galbeedka ayaa ka cawda in muddo dheer uu ku qaato hanaanka sugista iyo dhamaystirka helistooda dal ku galka wadamadaas.
GAROWE ONLINE