Ciidanka Danab oo "burburiyey" keydka sunta qaraxyada Al-Shabaab
MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Danab ayaa howlgal ay Axadii shalay ka fuliyeen deegaano ka tirsan maamulka Galmudug waxa ay ku dileen 18 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa xusay in howlgalka uu ka dhacay deegaanada Budbud iyo Galcad ee gobolka Galgaduud.
Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya, ciidamada ayaa burburiyay godad ay Al-Shabaab ku lahaayeen, kuwaasoo u ahaa goobo lagu keydiyo sunta iyo walxaha kale ee qarxa.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii ciidamada xoogga dalka ee Danab ay dileen 40 ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ka socda gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.
GAROWE ONLINE