Dad ku geeriyoodey dagaal ka dhacay magaalada Ceelbarde
MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 9 ruux ayaa ku geeryoodey, tiro intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay magaalada Ceelbarde ee gobolka Bakool - taasi oo salka u haysa maamulka magaalada.
Xaaladda degmada ayaa haatan deggen balse waxa dhaqdhaqaaqyo ciidan laga soo werinayaa xadka ay la leedahay Itoobiya halkaas oo laga cabsi qabo in uu ka dhaco iska-hor-imaad kale.
Dad ku sugan magaalada ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in dhaawacyada ay ka badan yihiin tobban isla markaana ay suurtagal tahay in dhimashadda ay intaas ka badan karto.
Dhacdadan ayaa waxay imaanaysaa xilli todobaadkii hore uu dagaal ka dhacay magaalada Baraawe. Xiisadda degmada Baraawe oo iyana u dhaxaysa millateriga DFS iyo Daraawiishta KGS ayaa weli taagan.
Gudoomiyaha gobalka Shabeelaha hoose ee maamulka Koonfur galbeed, Maxamed Ibraahim Bare oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhawaad toban qof ku dhinteen.
Barre oo sii hadlay ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay xabad joojiyaan isla markaana la kala qaadayo ciidamada.
Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku haya madaxtooyada koonfur galbeed ee Baraawe iyada oo ciidamada xooga dalka ee halkaasi ku sugan ay yihiin kuwii horey halkaasi ugala wareegay.
Dadka deegaanka ayaa marar kala duwan cabasho ka muujiyay ciidamada xooga dalka ee halkaasi ku sugan iyaga oo ku tilmaamay kuwa hab beeleed u abaabulan, waxaana arrintan ka doodey baarlamaanka Soomaaliya.
GAROWE ONLINE