Dagaal mar kale ka qarxay Laascaanood xilli dadaalo socdaan

Image
Somaliland ayaa eedeysay ciidamadda dowladda Puntland. Odayaasha SCC ayaa beeniyay sheegashada maamulka Hargeysa.

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland ayaa ku eedaysay ciidamada huwan ah oo Puntland ay hogaaminayso in aroornimadii Sabtida maanta ah ay weerar ku qaadeen askartooda ku sugan Bariga Laascaanood.

Maamulka Hargeysa oo qoraal soo saarey ayaa sheegay in ay difaac ku jirtay markii uu dhacay weerarka lagu eedeeyay, isla markaana ay "ilaalineysay xabad-joojintii ay horey ugu dhawaaqdey".

Dhinaca kale, xafiiska warbaahinta dadka degaanka ee la wareegay xarunta gobolka Sool ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay weerar culus ku soo qaadeen duleedka magaalada Laascaanood ayna iska difaaceen.

Xoogaga hubeysan ee la baxay goboladda SSC ayaa intaas ku daray in weerarka Somaliland uu ka dhacay deegaanka Maraaga wallow aysan soo bandhigin wax tirokoob khasaaro ah.

"Iska-hor-imaad socday muddo laba saacadood ah ayaa goobtaas ka dhacay. Khasaaro wuu jiraa laakiin illaa haatan laguma sameynin wax tirokoob rasmi ah," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya iyadda oo dhinacyo kala duwan ay wadaan dadaalo lagu raadinayo xal waara, xabad-joojin iyo wadahadalo ay yeeshaan Somaliland iyo odayaasha degaanka.

Inta illaa haatan la xaqiijiyey, in ka badan 200 ruux oo u badan dad shacab ah iyo askar ayaa ku naf-waayay dagaalka Laascaanood. Qaramada Midoobay waxay tibaaxdey in tirro ka badan 80-kun ay ku qaxeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM