Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay banaanbaxyada Boorama

Image
Ciidamada Somaliland ayaa rasaas nool-nool u adeegaaday dad shacab ah oo isu-soo-bax ka dhigay magaalada Boorama.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa mar kale waxa uu caddeeyay mowqifka dowladda ee qadiyadda magaaladda Laascaanood.

Xamse oo ka hadlay munaasabad ka dhacdey magaalada caasiamdda ah ee Muqdisho ayaa sidoo kale waxa uu soo bandhigay aragtidiisa ku wajahan banaanbaxyada ka qarxay magaaladda Boorama.

Ciidamada Somaliland ayaa rasaas nool-nool u adeegaaday dad shacab ah oo isu-soo-bax ka dhigay magaalada Boorama. Mudaaharaadkan ayaa ka dhashay sarkaal ciidan oo lagu magacaabo Khadar Maxamed Caynaanshe (Xabeeb) kaasoo lagu dilay deegaanka Lawyacaddo. Muuqaalo ayaa muujiyay in banaanbaxayaasha ay gubeen taayaro.

Wasiirka koowaad ayaa waxa uu tilmaamay in arrimaha ka taagan Laascaanood iyo Boorame aysan u baahnayn colaad iyo dhibaato hor leh ee loo baahan yahay in wixii jira lagu xaliyo wada-hadal iyo wadajir bulsho.

Maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland ayuu hoosta ka xariiqay in ay ka saaran tahay masuuliyad gaar ah xal u helidda dhibaatada taagan iyadda oo laga fogaanayo gacan adag.

"Dowladdan federaalka ah waxay dowlad u tahay laga soo bilaabo Lawya-cadde illaa Raas-kambooni. Wixii ka dhaca waxa anaga naga hooseeya waxaan leenahay faa'iido ka keenayaan," ayuu tibaaxay.

Wuxuu raaciyey: "Calankan baluuggan Hargeysa calan buu u yahay, Laascaanood calan buu u yahay, Boorama calan buu u yahay, Berberana calan buu u yahay; iyaga ayuuna markii hore ka yimid".

"Sidaas darteeda, ubucda waxay tahay wiil Soomaaliyeed in uu dhinto m ogolin, in la heshiiyo oo lawada hadlo ayaan rabnaa. Boorama haka socoto ama Laascaanood haka socoto, in la heshiiyo ayaan rabnaa," ayuu xusay.

In ka badan 200 qof ayaa ku naf-waayay, tirro ka badan way ku dhaawacmeen, boqolaal kale way ku qaxeen dagaalo dhowrkii bilood lasoo dhaafay ka socdey magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM