Gaashaanle u dhashay Uganda oo loo xiray weerarkii Buulo Mareer
KAMPALA, Uganda - Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa ku dhawaaqay in Gaashaanle uu xabsi ugu jiro weerarkii ay Al-Shabaab 26-kii May, 2023 ku qaadey xerada askarta ATMIS ee magaalada Buulo Mareer.
Museveni oo sarkaalkan magaciisa kusoo koobay Okia ayaa si gaar ah waxa uu ugu eedeeyay in uu ku dhiirageliyey askarta in ay cararaan halkii ay ahayd in ay iska-difaacaan "cadowga duulaanka gaadmada ku qaadey".
"Waxaa jira shaqsi kale oo magaciisa aan heli doono dhowaan," ayuu carabka ku adkeeyay. "Okia waxa uu tukaan ku dhex lahaa xerada ciidamadda difaaca dadka Uganda ee magaalada caasimada ah ee Kampala".
Isaga oo hadalkiisa sii wata, Museveni ayaa waxa uu ku nuux-nuux-sadey in sababta ugu weyn ee fududeysay weerarkaas ay tahay musuqmaasuq isla markaana la ciqaabi doono saraakiishii mas'uulka ka ahayd dhibaatadaas.
"Baqdinta halkaas ka dhacdey waxay ahayd mid aanan loo baahneyn maxaa yeelay ciidamaddu waxay gaadiidka qaraxyada wadday ku burburiyeen banaanka xeradda, marka wax baa qaldanaa," ayuu hoosta ka xariiqay.
Taliska ciidamadda Uganda iyo howlgalka ATMIS ayaan wali soo saarin tirokoobka rasmiga ah ee khasaaraha oo faahfaahsan. Isku-dayo xiriir lala sameeyay ayaa illaa haatan guuleysan.
Afhayeenka ciidamada Uganda, Sareeye Guuto Felix Kulaigye, ayaa warbaahinta caalamka waxa uu u xaqiijiyay in ciidan gaaraya 221 askari ay ku sugnaayeen saldhiga markii la weeraray 26-kii May.
Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dileen 137 askari. Isaga oo aan soo bandhigin wax caddeymo ah, ninka saddexaad ugu sareeya kooxda Mahad Karate ayaa dhankiisa wariyey dilka in ka badan 200.
Balse Kulaigye ayaa sheegay in Al-Shabaab ay buunbuuniyeen tirada. Sidee buu weerarkani u saameyn karaa howlgallada ciidanka Uganda ee Soomaaliya? Kulaigye waxa uu xusay in ay dhiiranaan kasii qaadayaan askarta.
"Waxay na siinaysaa go'aan dheeri ah si aan uga hortagno cadowga nabada Soomaaliya," ayuu hadalkiisa sii raaciyey. "Waxay la kulmi doonan cawaaqibka weerarkaas. Ma jiro qof weerara UPDF oo si xor ah u isaga baxa".
GAROWE ONLINE