ICC oo lagu dhaliilay "in ay ka dhuumato dambiyada reer galbeedka"
ISTANBUL, Turkey - Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Filibiin ayaa si adag waxa uu u dhaleeceeysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee magaceeda loosoo gaabiyo ICC
Mudanaha ayaa sheegtay in ICC “ay indhaha ka qarsato xad-gudubyada xuquuqul insaanka ee waddamada reer galbeedka,” isaga oo ku tilmaamay mid “cadaalad darro caalami ah”.
Senator Imee Marcos, oo 67 jir ah, ayaa tiri: "Maxkamadda caalamiga ah ee ICC waxay ku guul darreysatay in ay baaritaan ku sameyso wadamada reer galbeedka ee dambiyada aan la tirin karin ee ka dhanka ah bini'aadminimada, taasoo ka dhigaysa maxkamadda cadaalad daradda aduunka".
Hadalkeeda ayaa soo baxay maalmo uun ka dib markii Filibiin ay ku dhawaaqday inay fekereyso inay ka baxdo ICC ka dib markii ay diiday racfaankii Manila ee ahaa inay joojiso baaritaanka waxa loogu yeero "dagaalka ka dhanka ah daroogada.”
Sebtembar 2021, ICC waxay furtay baaritaan ku saabsan dambiyada ka dhanka ah bini'aadminimada ee la galay laga bilaabo Noofambar 1, 2011, illaa Maarso 16, 2019, intii lagu jiray dagaalka ka dhanka ah daroogada.
Si kastaba, ICC waxay hakisay baaritaanka Noofambar 18, 2021, ka dib markii Manila ay soo saartay diidmo. Dacwad oogaha ICC ayaa codsaday in baaritaanada dib loo furo June 24, 2022.
Filib ayaa shaacisay "in aysan waligeed ogolaan doonin ajaaniibta inay u fariistaan xukunka isaga ilaa inta maxkamadaha Filibiin ay rabaan oo ay awoodaan inay sidaas sameeyaan".
GAROWE ONLINE