In ka badan 10 qof oo ku geeriyootay qarax ka dhacay Kenya
NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan 12 qof oo ay ku jiraan lix askari ayaa Talaadadii lagu dilay laba weerar oo lala xiriirinayo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab oo ka kala dhacay Lamu iyo Gaarisa.
Kooxda weerarka geysatay ayaa u adeegsatay walxaha qarxa si ay u beegsadaan hay’adaha ammaanka xilli ay ku socdaalayeen waddooyinka sidoo kale waxaa ku dhaawacmay tobaneeyo qof.
Guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari, John Otieno oo warbaahinta la hadlay, ayaa xaqiijiyay dhacdooyinkan balse waa uu diiday inuu bixiyo macluumaad dheeri ah.
Waa tiradii ugu badneyd ee dhimasho iyo dhaawac soo gaarto ciidanka sanadkan, iyadoo kooxaha argagaxisada ah ay cadaadis xoogan kala kulmayaan dowladda Soomaaliya.
Talaadadii, kooxdu waxay beegsatay bas rakaab ah oo marayay deegaanka Afaad ee Mandheera iyagoo rasaas ku furay si ay darawalka ugu qasbaan inuu si macno darro ah u istaago, sida ay booliisku sheegeen.
Toddobaadkii hore 7-dii bishii June, laba askari oo booliis ah ayaa dhintay shan kalena way dhaawacmeen ka dib markii baabuur gaashaaman oo ay la socdeen uu qarax miino lagula eegtay magaalada Mandheera ee u dhow xuduudka Kenya iyo Soomaaliya.
Muqdisho iyo Nairobi ayaa bilo kahor waxa ay ku heshiiyeen in ay furaan xuduudka taas oo qeyb ka ah ololaha la dagaalanka Al-Shabaab oo ay iska-kaashanayaan Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah.
GAROWE ONLINE