In ka badan 70 qof oo ku dhimatay isbuurasho ka dhacday Yemen
SANCA, Yemen - Ugu yaraan 78 qof ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday iskuul ku yaalla caasimadda Yemen ee Sanca oo ay ka socotay qeybinta sadaqada bisha Ramadaan, sida ay saraakiishu sheegeen.
Muuqaalo uu baahiyey telefishin maxali ah ayaa muujiyay dad aad u fara badan oo aan awoodin in ay dhaq dhaqaaqaan iyo in badan oo ku dhibaateysan nawaaxiga Bab al-Yemen ee magaalada.
Boqolaal qof ayaa lagu soo waramayaa in ay isugu soo xoomeen dugsiga goor dambe oo Arbacadii ahayd si ay u helaan deeq lacageed oo dhan $9 (£7; €8) qofkiiba.
Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee fallaagada ah ayaa Sanca maamulayay tan iyo 2015. Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa hadda fadhigeedu yahay magaalada Cadan.
Yemen ayaa waxaa halakeeyay colaado sii xoogeystay sanadkii 2015-kii, markaasoo Xuutiyiinta ay qabsadeen qeybo badan oo kamid ah Yemen, ayna soo farageliyay xulafada Sacuudiga uu hogaamiyo oo taageeraya dowladda Yemen.
In ka badan 150,000 oo qof ayaa ku geeriyoodey iskahorimaadka, kaas oo loo arko inuu yahay dagaal ay daaha gadaashiisa ka riixayaan dowladaha xifaaltanka ka dhaxeeyay ee Sacuudiga iyo Iran.
In ka badan 23 milyan oo qof - afar meelood saddex meel dadweynaha ku nool waddankan - ayaa u baahan nooc gargaar ah, sidda laga soo xigtey Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa oo ku baaqdey gurmad degdeg ah.
GAROWE ONLINE