Ingiriiska oo goobaya gacan-ku-dhiigle dilay wiil 25-jir Soomaali ah

Image
Marxuumka ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Cabdullaahi Xasan. Balse, ciidanka ayaa baadi-goobaya gacan-ku-dhiiglaha.

LONDON, Ingiriiska - Wiil Soomaali ah oo 25-sano jir ah ayaa lagu toogtey magaalada Sheffield ee Ingiriiska, sidda ay ku warantey warbaahinta oo soo xigatay saraakiil ka tirsan taliska booliska boqortooyadda UK.

Dilkan oo Axadii todobaadkan waxa uu ka dhacay aagga Callow Drive. Marxuumka ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Cabdullaahi Xasan. Balse, ciidanka ayaa baadi-goobaya gacan-ku-dhiiglaha.

Sidda laga soo xigtey warbixinta saxaafadda maxaliga ah, baareyaasha ayaa sidoo kale waxay wali ogaanayaa sababta keentey toogashadda oo dhacay abaare 1:30 am waqtiga maxaliga ah ee Britain.

Madaxa dambi-baarista Philip Etheridge, oo hogaaminaya baaritaanka, ayaa u xaqiijiyay bulshada in saraakiisha iyo ciidanka ay si hufan uga shaqeynayaan sidii ay cadaaladda u horkeeni lahaayeen dilaaga.

"Ma jirto cid loo soo qab qabtay falkaasi, iyadoo weli gacanta lagu hayo askarigii dilka geystay," ayuu hadalkiisa ku daray Etheridge oo ka gaabsadey in uu kasii horudhaco sababta khaarijinta keentay.

Dhacdadan ka dib, dadka deggan Sheffield waxay qabsadeen baraha bulshada si ay u dalbadaan ciqaabo adag iyo ka hortag si loola dagaallamo dembiyada rabshadaha wata ee magaalada. Dad badan ayaa ku doodaya in nidaamka sharci ee hadda jira uu yahay mid aad u dabacsan gaar ahaan xukunada xabsi daa'im ah oo ay u arkaan in uu la macno yahay nolol.

Koonfurta Sheffield ayaa la kulantey koror weyn dhanka dambiyada abaabulan tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo 301 fal-dambi la diiwaan geliyay intii u dhaxeysay Oktoobar 2021 iyo Sebtembar 2022.

"Tani waxay ka dhigan tahay koror 19% ah sannadkii hore iyo koror aad u daran oo ka yimid 84 dembi oo la soo sheegay toban sano ka hor," ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxdey maamulka degaanka.

Dilka wiilka Soomaaliga ah ayaa la filan karaan in uu sababo in maalmaha soo socda ay soo kordhaan ciidamo booliska oo lagu soo daadiyo magaaladda dhan si looga hortago in ay dhacaan falal kale oo aargudasho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM