Isimada SSC oo shardi ku xiray wadahadal ay Somaliland la galaan

Image
In ka badan 200 ruux ayaa lagu waramay in ay ku naf-waayeen colaadda xarunta gobolka Sool.

MUQDISHO, Soomalaiya - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Isimada SSC ee Laascaanood ku sugan ay qodob adag hor dhigeen dhex-dhexaadinta dowladda Itoobiya ay hormuudka u ahayd.

Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan [Falaalug], afhayeenka guddiga Aayo-ka-tashiga SSC oo ka kooban 33 xubnood oo maanta warbaahinta kula hadlay Laascaanood, ayaa ka warbixiyay xaaladda.

"Muuse Biixi iyo ciidankiisu way diideen Nabad iyo xabad joojin, maalmahan oo dhan madfaca iyo xabaduhu magaalada waa ku socdaan. Maanta ayaa u dambaysay waa kuwaan kuwii ay soo rideen," ayuu yiri.

Dhanka kale, Caaqil Cabdirisaaq oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dhawaaqay in gobolada SSC aysan wax wadahadal ah la galayn Somaliland ilaa ciidamada maamulka la geeyo aagga Oog.

Isaga oo sii hadlaya, Mr Falaalug oo ka digay in laga been sheego xabad-joojinta magaaladda ayuu tibaaxay: "Wada-hadal Oog ka sokeeya ma jiro, maamulkaas [Somaliland] wax aan wadaagno ma jiro''.

Isimo dhawaan magaaladda Hargeisa ku laabtay kuwaasi oo warar soo baxaya ay sheegayaan in ay Addis Ababa u safrayaan ayuu caaqilku sheegay in aanay haba yaraate wax wada hadal ah la galaynin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM