Itoobiya oo Soomaaliya usoo dirtey ciidan aan kamid ahayn ATMIS

Image
Qeybihii ugu horeeyay ee askartan ayaa lagu arkay magaaladda Doolow ee gobolka Gedo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamadda Itoobiyaan ah oo aan kamid ahayn howlgalka Midowga Afrika ee ku meelgaarka ah ATMIS ayaa gaarey magaaladda Doolow ee gobolka Gedo, sidda mas'uuliyiin sheegeen.

Sidda laga soo xigtey mas'uuliyiinta, askartan ayaa ku biiraya wajiga labaad ee howlgaladda la qorsheynayo in Al-Shabaab looga saaro dhulka ay haatan ka xukumaan dowlad goboleedka Jubaland.

"Qeybtii koowaad ee ciidankan waxay magaaladda soo gaareen Arbacada todobaadkii hore. Qeybtii labaad waxana yimaadeen Jimcadii. Lama shaacin tiradooda waayo waa arrimo askar," ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa noqotey dalkii ugu horeeyay ee fuliya heshiiska ay ciidamadda aan kamidka ahayn taliska ATMIS kusoo dirayaan wadamadda dariska la ah Soomaaliya.

Jabuuti iyo Kenya ayaa dhankooda waxaa lagu waddaa in ay soo daabulaan ciidamo sidaan lamid ah. Cutubyadda Nairobi waxaa lagu waddaa in ay xoojiyaan doonan furimaha gobolada Jubbooyinka.

Ciidamadda ka imaan doona Jabuuti ayaa dhankooda waxaa la filayaa in ay buuxin doonan safafka gobolada HirShabelle gaar ahaan Hiiraan oo haatan kamid ah meelaha joogitaanka culus ay ku leeyihiin.

Madaxwayneyaasha Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ayaa dhowr bilood kahor waxay ku shireen Muqdisho iyaga oo isku-raacay in la qaado howlgal wadajir ah oo lagu dhameystirayo ciribtirka kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM