Kenya oo dib-u-dhigtey qorshaha furitaanka xuduuda Soomaaliya

Image
Labada dal ayaa bishii July ee sanadkii hore ku dhowaaqay qorshe dib loogu furayo xuduudka.

NAIROBI, Kenya - Kenya ayaa Arbacada maanta ah sheegtay inay dib u dhigayso qorshaha dib loogu furayo xuduudka ay Soomaaliya la wadaagto oo muddo dheer xirneyd.

Go'aankan ayaa yimid kaddib markii dhowr weerar oo dhimasho iyo dhaawac sababay kuwaasoo loo aaneynayo inay ka dambeeyaan maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha, Kithure Kindiki, ayaa sheegay in wejiga furitaanka ee xarumaha xuduudaha ee Mandheera, Lamu iyo Gaarisa ee ku teedsan xuduudka dheer ee Soomaaliya uusan fuli doonin bishii May.

Talaabadan ayaa imaanaysa kadib markii weeraro lagu dilay shan qof oo rayid ah iyo siddeed askari oo boolis ah. Dhacdooyinkan ayaa ka dhacay meel u dhow xadka bishii hore, waxaana lagu eedeeyay Al-Shabaab.

"Dowladdu waxay dib u dhigi doontaa qorshaha dib loogu furayo xuduudaha Kenya iyo Soomaaliya illaa aan si buuxda wax uga qabanno weerarrada argagaxisada ah ee dhawaanahan dhacay iyo dambiyada xuduudaha," ayuu Kindiki yiri mar uu booqdey xerada Dhadhaab ee ku taalla bariga fog ee Kenya ee u dhow Soomaaliya.

Xuduudda ayaa si rasmi ah loo xiray bishii Oktoobar ee sannadkii 2011-kii, iyadoo ay sabab u ahayd weerarro ay Al-shabaab ka geysatay Muqdisho, kuwaasoo muddo ka badan 15-sano ka waday Muqdisho dagaallo ka dhan ah dowladda dhexe.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa bishii July ee sanadkii hore ku dhowaaqay qorshe dib loogu furayo xuduudka kadib wada hadallo dhexmaray madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sohdinta Mandera ayaa lagu waday in dib loo furo 30 maalmood gudahooda kadib shirkaas. Garissa waxaa loo qorsheeyay 60 maalmood, Lamuna 90 maalmood gudahood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM