Kenya oo xero qaxooti horleh u fureysa muhaajiriin Soomaali ah

Image
Inta badan dadkaan ayaa waqti-xaadirkan ku sugan galbeedka xeradda Kaakuuma.

GAROWE, Puntland - Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay dib-u-furayso xerada qaxootiga ee IFO 2 halkaasi oo horey loo xiray 2017, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah.

Xeradaan ayaa, sidda ku xusan warbixinta, waxaa la filayaa in deegaan u noqoto dad gaaraya 80 kun oo qof iyada oo dadkaasi badankood ay kasoo carareen abaaraha ka jira Soomaaliya.

Xafiisyada Arimaha bini'aadannimada ayaa Sabtidii shalay ahayd waxay shaaca ka dhigeen in ay haatan haystaan kaarar cunada lagu qaato dad gaaraya 127 kun oo qof .

Dadkaasi heysta kaararka cunada ayaa, sidda ay caddeeyeen kooxaha gurmadka, waxay badankood aan heysan deegaano loo asteeyay oo ay dagaan iyaga oo dul-saar ku ah qoysas kale.

Inta badan dadkaan ayaa haatan ku sugan Galbeedka xeradda Kaakuuma waxaana lagu waddaa in loo dhiso guryahaasi kumeel gaarka ah oo ay geeyeen goobta xerada hay'addaha gargaarku.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM