Lubnaan: Buuq ka dhashay isbadal lagu sameeyay waqtiga saacada

Image
Go'aankan lagu sheegay in lagu taageerayo Muslimiinta inta lagu guda jiro bisha Ramadan ayaa haatan laga noqdey.

BAYRUUT, Lubnaan - Golaha wasiirrada waddanka Lubnaan ayaa ka noqday go’aan uu ra’iisul wasaaraha ku-meel-gaarka ah Najib Mikati ku doonayay in isbadal lagu sameeyo saacadaha waqtiga.

Mikati ayaa isbadalkiisa waxa uu ku beegsadey xilliga uu maalintii bilaabanayo Dib-u-dhigida ayaa ka dambeysay ka gadaal markii Kaniisadaha dalkaas ay si weyn uga hor-yimaadeen.

"Waqtiga cusub ee iftiinka maalinta wuxuu bilaaban doonaa saqda dhexe ee Arbacada," ayuu Mikati u sheegay warbaahinta maxaliga ah kadib markii uu kasoo baxay shirkii golaha wasiirada.

Lubnaan ayaa todobaadkii hore waxaa la qorsheeyay in hal saac ay ka dambeeyaan waqtiga caadiga ah. Hase ahaatee, waxaa dib loo dhigay muddo bil ah markii carro xoogan ay ka dhalatay.

Go'aanka 12-ka saac ee maalintii looga guuray ayaa la sheegay in lagu taageerayo Muslimiinta inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan. Balse, waxaa ka gadoodey Kaniisadaha.

Sidoo kale, qaar ka mid ah idaacadaha, iskuulada, ganacsiga iyo xitaa siyaasiyiin dhowr ah ayaa muujiyey in aysan ku qanacsaneyn go'aankan oo ay ku tilmaameen "mid aan la aqbali karin".

Kala qeybsanaanta siyaasadeed, Lubnaan waxaa u wehlisa koox diimeedyadda kala duwan ee talada ku leh awooda dowladnimadda taasoo la kala xadeeyay kadib dagaalkii sokeeye ee 1975-1990-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM