Madaxweyne wiilkiisa u magacaabay dhaxal-suge awood badan

Image
53-jirka Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan waa milkiilaha kooxda kubadda cagta Manchester City.

ABU DUBAI, UAE - Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, ayaa wiilkiisa u magacaabay dhaxal sugaha Abu Dhabi Arbacadii, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah.

Jagadan aadka u culus ayaa dalkan ka ah mid dhaqan ahaan ka dhigan in uu yahay qofka sugaya in uu la wareego xilka madaxtinimo ee waddankan hodanka ku ah batroolka ee dhaca Khaliijka.

Sheikh Khaled bin Mohamed bin Zayed waa curadka Sheekh Maxamed bin Zayed. Waxa uu kamid yahay Golaha Sare ee Abu Dhabi ee awoodda leh iyo hay'adda amniga qaranka ee Imaaraadka.

Magacaabida cusub ayaa 43 jirkan ka hor marinaysa qoyska boqortooyada Imaaraatka ee sarsare ee suurtogalka ay ahayd in ay la wareegaan xilkan hogaaminta qarankan.

Sheikh Mohammed bin Zayed, oo inta badan loo yaqaan "MBZ" iyo hogaamiyaha muddada dheer ee Imaaraadka, ayaa loo magacaabay madaxweyne bishii May kadib markii walaalkii Sheekh Khaliifa uu u geeriyooday arrimo caafimaad.

Amiirka Imaaraatka ayaa u magacaabay walaalkii Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan inuu noqdo madaxweyne ku xigeenka Imaaraadka, isaga oo garabsanaya hogaamiyaha Dubai, Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum.

53-jirka Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan waa milkiilaha kooxda kubadda cagta Manchester City ee ka dhisan Ingiriiska isla markaana kamid ah naadiyadda ugu saameynta badan kubadda cagta qaaradda Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM