Malta oo tarxiileysa muhaajiriin ay Soomaali kamid yihiin

Image
Howlgalka lagu soo qabtey muhaajirintan ayaa ka dhacay magaalooyinka Ħamrun iyo Qormi.

LONDON, United Kingdom - Booliiska dalka Malta ee qaaradda Yurub ayaa shaaca ka dhigay in ay xireen 24 qof ay Soomaali ku jiraan kuwaas oo lagu helay inay si sharci darro ah ugu noolaayeen waddankaas.

War qoraal ah oo uu soo saaray booliiska ayaa waxaa lagu caddeeyay in iyagoo kaashanaya ciidamada Asluubta ay sii wateen baaritaanada la xiriira socdaalka sharci darada ah ee shaqsiyaadkan.

Howlgalka lagu soo qabtey muhaajirintan ayaa ka dhacay magaalooyinka Ħamrun iyo Qormi, sidda ku xusan war-saxaafadeedka booliiska oo aan kala caddeyn haddii waxyeelo ka dhashay howlgalkaas.

Sshaqsiyaadka lasoo xiray ayaa lagu waramay in ay ka kala yimaadeen Senegal, Ghana, Niġerja, Gambia, Mali, Ivory Coast, Benin, Guinea, Niger, Ethiopia, iyo Somalia.

"Waxaa la geeyey xarunta dadka lagu hayo, halkaas oo hawsha masaafurinta laga bilaabay," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka oo lagu xusay in dalkooda dib loogu celin doono guud ahaan muhaajiriinta la qabtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM