Mareykanka oo xukumay siyaasi soo noqdey musharax madaxwayne
WASHINGTON, United States - Siyaasi horey musharax madaxweyne uga soo noqdey Mexico ayaa lagu xukumay sagaal sano oo xarig ah ka dib markii ay mas'uuliyiintu ku eedeeyeen inuu malaayiin doolar oo laaluush ah ku bixiyey guri uu ka iibsaday Mareykanka.
Tomás Yarrington Ruvalcaba, oo 66 jir ah, oo ahaa gudoomiyihii hore ee gobolka Tamaulipas ee waqooyi bari Mexico, ayaa xukunka ku riday Arbacadii maxkamad ku taal koonfurta gobolka Texas.
Yarrington Ruvalcaba waxa uu qirtay dambiga bishii March 2021, isaga oo u qirtay mas’uuliyiinta Mareykanka in uu laaluush bixiyey si uu u helo qandaraasyo ganacsi.
Lacagtaas ayaa la qariyey iaydda oo lagu iibiyey waxyaabo qaali ah sidda baabuur, diyaarado iyo guryo ay ku jiraan dhismayaal iyo guryo xeebeed, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.
Ruvalcaba waxa uu guddoomiye ka ahaa 1999-kii ilaa 2005-tii, waxaana muddadaas lagu eedeeyay in uu ka aqbalay $3.5 milyan oo laaluush ah kana timid shakhsiyaad iyo shirkado rajaynaya in ay heshiisyo ganacsi ka sameeyaan gobolkiisa.
Badhasaabkii hore ee xukunka lagu riday ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in uu isticmaalay shaqsiyaad maqaar-saar ah si uu u qariyo ka qaybqaadashadiisa wax iibsiga.
Mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa waxay ku sheegeen inay filayaan in Yarrington Ruvalcaba uu wajihi doono "dacwooyinka ka saarista" ee Mexico, halkaas oo uu sidoo kale wajahayo baaritaan.
Gobolka Tamaulipas oo si toos ah xuduud ula wadaago Mareykanka gaar ahaan dhinaca gobolka Texas ayaa la aaminsan yahay in uu yahay "saldhigga mid ka mid ah ururada dembiilayaasha ugu awoodda badan Mexico kuwaasoo lagu magacaabo "Gacanka Cartel".
GAROWE ONLINE