Mas'uul ku dhaawacmay dagaal ka dhacay gudaha Muqdisho

Image
Illo wareedyo amni ayaa warsidaha Garowe Online waxay uga warameen sababta keentay iska-hor-imaadka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, Saleeban Fargax, ayaa kamid noqdey dhowr ruux kale oo ku dhaawacmay dagaal ka dhacay gudaha caasimadda Muqdisho.

Iska-hor-imaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowladda iyo ilaaladda Saleebaan. Ugu yaraan saddex askari kale oo labada dhinac ah ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen falkan.

Illo wareedyo amni ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in is-rasaaseynta ay ka dhalatay ka gadaal markii ilaaladda mas'uulkan ay ka gadoodeen in askarta kale ay u diideen marida wadda.

"Dagaalka wuxuu ka dhacay isgoyska Siinaay halkaasoo uu guddoomiyaha marayay," ayuu yiri Maxamed, oo ah goobjooge. "Ku dhawaad 15-daqiiqo ayay socotay iska-hor-imaadka," ayuu sii raaciyey.

Maxamed ayaa intaas ku daray in ay jirto dhimashadda dad shacab ah. "Illaa hadda, aniga waxaan arkay laba qof oo meydkooda goobta laga qaadey," ayuu yiri. Mas'uuliyiinta ayaan wali sameyn tirokoob.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo farageliyey shaqaaqadan, ayaa sheegay in xabsi loo taxaabay dhamaan askartii ku lug-yeelatay tacshiiraddan.

Mr Madaale ayaa ku baraarujiyey ciidamadda in ay ka fogaadan falalka noocaan oo kale ah isla markaana qof kasta oo ku lug-yeesho lala xisaabtami doono lana soo taagi doono sharciga.

Todobaadyo kahor ayaa isla isgoyskan waxaa ka dhacdey iska-hor-imaad taasoo la sheegay in ay dhexmartay ciidamo kawada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya kuwaasoo wali la ogayn waxay isku-qabteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM