Mas'uuliyiinta Ruushka oo laga mamnuucay telefoonka Iphone-ka
MOSCOW, Russia - Aqalka Kremlin-ka ayaa u sheegtay saraakiisha ku howlan diyaarinta doorashada madaxtinimo ee Ruushka 2024-ka in ay joojiyaan isticmaalka taleefoonnada Apple-ka ee Iphone.
Xukuumadda Moscow ayaa sheegtay in aaladaha Apple iPhones ay u nugul yihiin hay'adaha mukhaabaraadka reer galbeedka, sidda uu tabiyey Wargeyska Kommersant.
Sergei Kiriyenko, oo ah ku-xigeenka koowaad ee maamulka madaxtooyada, ayaa u sheegay mas’uuliyiinta inay beddelaan taleefannadooda ugu dambeyn 1-da Abriil.
Kiriyenko ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay siminaar uu soo agaasimay Kremlin-ka oo loo qabtay mas’uuliyiinta ku lugta leh siyaasadda arrimaha gudaha waddanka Ruushka.
Wargeyska Kommersant ayaa warbixintan waxa uu kasoo xigtey ilo aan la aqoonsan balse uu tibaaxay in ay si dhow ula socdaan go'aanadda maamulka Putin.
Mar wax laga weydiiyay arrinta Isniinta maanta ah, afhayeenka Aqalka Kremlin ee looga taliyo dalweynaha Ruushka, Dmitry Peskov ayaa wuxuu sheegay inuusan xaqiijin karin warbixinta "la daabacay".
GAROWE ONLINE