Midowga Yurub oo $116 milyan ugu deeqay ammaanka Soomaaliya

Image
Taakuladan ayaa imaanaysa xilli loo diyaar-garoobayo wajiga labaad ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Yurub ayaa ansixiyay $116.6 milyan oo loogu talagalay dadaallada xasilinta Soomaaliya ee lagula dagaallamayo argagixisada Al-Shabaab, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Xinhua.

Wakaaladdan laga leeyahay Shiinaha ayaa intaas ku dartey in kaalmadan si toos ah loogu talagalay taliska ku meelgaarka ah ee ATMIS 2023 iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidda laga soo xigtey warbixinta, $23 milyan oo kamid ah lacagtan ayaa loogu talagalay in ay si toos ah ugu dhacdo qasnada ciidamadda Soomaaliya si ay kor ugu qaadaan miisaaniyadooda.

Deeqdan ayaa kusoo hagaagaysa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay waddo abaabulkii ugu dambeeyay ee guluf milatari ka dhan ah Al-Shabaab kaasoo ah wajiga labaad ee ololaha lagu ciribtirayo maleyshiyaadka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Yurub ayaa hoosta looga xariiqay in taageerada maaliyadeed ee cusub ay ugu talagaleen in lagu fuliyo qorshaha kala guurka ah ee amniga Soomaaliya.

Taliska ATMIS ayaa qorshuhu yahay in waajibaadka iyo mas'uuliyadda amniga ay ku wareejiyaan ciidamada Soomaaliya sanadka dambe. Hase ahaatee, kahor waxaa shuruud ah la fuliyo dhamaan wax kasta daruuri ah.

Arrimaha muhiimka ah waxaa kamid ah in Al-Shabaab laga sifeeyo dhulka badan ee haatan ay ka xukumaan waddanka iyo in laga hortago weeraradda tooska ah ee ay ka fuliyaan meelo ay kamid tahay caasimadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM