Nepal: Mas'uuliyiin loo xiray in ay khiyaameen dad qaxooti ah
KATHMANDU, Nepal - Xeer-ilaalinta dalka Nepal ayaa dacwad ku soo oogay 30 qof oo ay ku jiraan laba wasiir oo hore uga tirsanaan jiray golaha wasiirada dalkaas, sidda ay ku warantey warbaahinta.
Mas'uuliyiinta ayaa lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen dukumentiyo been abuur ah oo muwaadiniinta Nepal ay ku galeen Maraykanka si ay u noqdaan qaxooti Bhutaniyiin ah.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Bal Krishna Khand, wasiirkii hore ee Tamarta Tope Bahadur Rayamajhi iyo Xoghayihii hore ee Arimaha Gudaha Tek Narayan Pandey, oo ah masuulka ugu sareeya wasaarada, ayaa ka mid ahaa 16 qof oo bishan la xiray oo dacwado lagu soo oogay.
Booliska ayaa baadigoobaya 14 kale oo dacwad lagu soo oogay iyagoo maqan. Illaa haatan, ma cadda sababta dadka u dhashay Nepal loogu diray Maraykanka qaab qaxooti been abuur ah oo Bhutanese ah.
Ilaa 120,000 oo muwaadiniin Bhutan ah oo asal ahaan ka soo jeeda Nepal ayaa la eryay ama u qaxay dalka deriska la ah ee Bhutan una qaxay Nepal tan iyo horraantii 1990-meeyadii.
Kathmandu Post ayaa soo wariyay in kuwa ku lug lahaa lagu eedeeyay "in ay khiyaameen ku dhawaad 875 muwaadiniin Nepali ah ayna ka qaateen malaayiin lacag ah".
Ku dhawaad 113,000 oo ka mid ah dadkaas ayaa la dejiyay dalal dhowr ah, oo ay ku jiraan US, Canada iyo Australia, iyadoo la raacayo barnaamijka dib u dejinta ee waddan saddexaad ka dib markii labada dal ee deriska ah ee Koonfurta Aasiya ay ku guuldareysteen inay dib u soo celiyaan.
Maraykanku ayaa waxa uu ka qaaday Nepal ilaa 100,000 oo qaxooti ah. Dhowr kun ayaa weli ku nool xeryo ku yaal bariga Nepal, iyagoo sheegay inay doonayaan inay dib ugu laabtaan dhulkooda hooyo.
GAROWE ONLINE