Nigeria: Shaqaale ka tirsanaa safaarada Mareykanka oo la dilay

Image
Dabley ayaa sidoo kale afduubtay saddex qof kale - laba askari oo bilays ah iyo darawal.

WASHINGTON, United States - Kolonyo ay la socdeen shaqaale ka tirsan safaaradda Mareykanka ayaa lagu beegsaday koofur bari Nigeria, weerarkaas oo lagu dilay labo shaqaale ah iyo labo askari oo booliis ah, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin maxali ah.

Dabley ayaa sidoo kale afduubtay saddex qof kale - laba askari oo bilays ah iyo darawal - intii lagu jiray weerarka oo Talaadadii ka dhacay meel u dhow magaalada Atani ee gobolka Anambra ee Nigeria.

"Dadaallo samatabbixin iyo soo kabasho ah ayaa wali socda," sida uu sheegay afhayeenka booliiska Anambra, Ikenga Tochukwu, kaasoo aanan bixin macluumaad dheeraad ah.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga nooca safarka ay ku tageen shaqaalaha safaarada Maraykanka ee gobolka Anambara iyo inta qof ee la socday kolonyada.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Maraykanka John Kirby ayaa shilkan si kooban uga hadlay shir jaraa'id oo uu Aqalka Cad ku qabtay Talaadadii, isagoo sheegay "inay u egtahay in kolonyada Mareykanka la weeraray".

"Waxa aan kuu sheegi karo waa in aysan jirin muwaadiniin Maraykan ah oo ku lug lahaa, sidaas darteed, ma jiraan muwaadiniin Maraykan ah oo waxyeello soo gaartey," ayuu Kirby tibaaxay.

Weerarku waxa uu ka dhacay waddo weyn abaare 3:30 galabnimo ee xilliga maxaliga ah (14:30 GMT). Booliiska Anambara ayaa tilmaamay inay rumeysan yihiin in koox gooni u goosadka ay mas’uul ka yihiin weerarka uuna qeyb ka yahay ololahooda fowdada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM