13 dhalinyaro u tahriibay Yemen oo Bosaso yimi [Dhagayso]

Image

05 September, 2015(GO)-Taliyaha qaybta booliiska gobolka Bari Gaanshaanle sare Cabdixakiim Yuusuf Xuseen oo la hadlay Radio Garowe ayaa cadeeyay in magalada Bosaso yimaadeen 13 dhalinyaro horay uga tagay Puntland kana baxay gobolada Sanaag iyo Bari.

Dhalinyarada tagitaankooda ayaa siyaabo kala duwan loo fasiray, waxaana la tilmaamay in loo qaaday kamid noqoshada ururka Daacish iyo ka qayb galinta dagaalka ka socda dalka Yemen, balse dhalinyaradan ayaa sheegay inay ku wajahnaayeen dalka Liibiya si ay u tahriibaan.

Taliyaha ayaa xusay inay jiraan dhalinyaro kale oo ku sugan Yemen oo dhawaan la keeni doono Puntland iyadoo wadahadal u socdo safaaradda Yemen.

Sababta keentay in dhalinyarada loo tahriibiyo dalka Yemen, halka horay u sii mari jireen dhinaca Sudan ayuu ku sheegay in dolwadda Ethopia adkaysay xuduudeeda, taasina ugu wacantahay inay maraan Yemen.

Waalidiin horay ula hadlay warbaahinta 09 September, 2015 ayaa cadeeyay in caruurtooda ka xaysteen xubno xiriir la leh ururo xagjiriin ah oo ka dhaadhiciyay inay u fududaynayaan Tahriibta balse la askareeyay

Dhinaca kale Xukuumadda Puntland ayaa 10 September, 2015 beeniysay in dhalinyaraadi loo qaaday ururka Daacish.

Xubno fududayn jiray Tahriibinta dhalinyarada ayaa Puntland gacanta ku dhigtay 14 September, 2015.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM