Afhayeenka baarlamaanka Puntland oo ka hadlay xaaladda Sanaaag

Image

BADHAN, Sanaag – Gudoomiyaha Baarlamanka dowladda Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maalintii shalay gaarey degmada Badhan ee gobolka Sanaag, oo ah degaan doorashadiisa.

Khudbad uu u jeediyay shacabkii soo dhaweeyay, ayuu Cabdirashiid kaga hadlay arrimo dhowr ah, oo kamida ah dhisamaha jidka Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo oo dowladda Puntland dhisayso.

Wajiga labaad ee dhisamaha wadada ayuu sheegay in ay u baahan tahay lacag dhan 8 milyan oo dollar, waxaana uu shacabka gobolada Haylan iyo Sanaag ugu baaqay inay ka qeybqaataan.

"Mudaneyaal iyo marwooyin, gobolada Sanaag iyo Haylaan murun ma geli karaan, oo leysma waydiin karo ma Puntland baa mise waa meel kale? Puntland weye," ayuu hadalkiisu ku daray.

Banaanbaxyadda

Afhayeenka Golaha Wakiilada Puntland ayaa soo hadal-qaadey banaanbaxyo looga soo horjeedo safarkiisa oo ka dhacay meelo kamid ah gobolka, kaasoo sababay isku dhac khasaaro dhaliyey.

"Khaatumo iyo SSC labadaba sidaan shalay sheegay, in lala goostay oo Hargeysa lala galay, maaqirta ay wareejinayaan ee marba taayarka yar meel ku gubeysa ee boqolka Doolar soo direysa oo aan iri shalayto boqolka Doolar oo aad canaasiirta u direysaan ee taayarka lagu gubayo fuusto yar siiya dadkaa u baahan," ayuu raaciyey.

Ugu dambeyntii, dadweynaha oo uu ugu baaqay in ay qayb ka noqdaan xaqiijinta ammaanka ayuu ku waaniyey in ay bixiyaan canshuurta si dib loogu dhiso adeegyadda muhiimka u ah shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM