Afhayeenka Puntland oo ka hadlay sababta baajisay shirka Muqdishu[Dhagayso]

Image

14 December, 2015(GO)-Afhayeenka Xukuumadda Puntland ayaa cadeeyay inuusan wax shir ah ka socda magalada Muqdishu, kadib isfahamwaa dhexmaray siyaasiyiinta shalay kulanku uga furmay xarunta Somalia.

Cabdullaahi Maxamed Jamaca (Quran Jecel) oo la hadlay Radio Garowe, ayaa tilmaamay in baaqashada shirka Xamar uu salka ku hayo hishiis la'aan ka dhex jirta madaxda Somalida, wuxuuna tilmaamay inay jiraan kulamo gooni gooni ah oo dhexmaraya mas'uuliyiinta heer Federal iyo maamul.

Wuxuu tilmaamay in kulankii 13 December ku koobnaa khudbado kaliya, balse la isku afgaran wayay maanta in dib la isugu soo laabto, wuxuuna tilmaamay in arrintani timi kadib markii madasha la keenay qaadashada habka 4.5.

Beesha caalamka ayuu cadeeyay inaysan ku lug lahayn kulamada gaar gaarka ah ee ka socda Xamar.

Arrintan ayaa timi kadib markii maanta la isugu imaan waayay madal looga doodayay habraaca doorashada sannadka 2016 dalka Somalia ka dhici doonta, waxaana kulankii maanta hareeyay khilaaf ka dhashay  ku noqoshada nidaamka wax ku qaybsiga beelaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM