Ajaanib Maxkamadda gobolka Nugal la horgeeyay [Dhagayso]

Image
Image
Image

27 Octobar, 2015(GO)-Maxkamadda darajada Koowaad ee gobolka Nugal ayaa maanta la horgeeyay ajaanib u dhashay dalka Indunisia, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay si sharci daro ah uga Kalluumaysanayeen xeebaha Puntland.

Labada nin ee maxkamadda la keenay ayaa laga soo qabtay degmada Eyl ka dib markii uu soo caariyay markab ay la socdeen, waxaana lagu kala magacaabaa, Kabtan Mohli Batiwawa oo 46 sano jir waday markab ka diiwaan gashan dalka Yemen iyo Eng. Casiis Hermans oo 56 sano jir ahaa makaaniga markabkaasi.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee gobolka Nugal Maxamed Xareed Faarax, ayaa sheegay in shakhsiyaadkaasi galeen dambi Qaran, kuna xad gudbeen biyaha Puntland, isla markaana wateen ogolaansho been abuur ah.

Xareed ayaa tilmaamay inay isticmaalayeen shamaago waaweyn, waxaana lagu soo qabtay Kalluun tankiisu gaarayo 2500.

Maxkamadda ayaa kiiska labada nin dib u dhigtay ilaa 10 Novermber, ka dib markii uu Qareenka u doodayay labada nin codsaday in la siiyo labo todobaad oo fasax ah.

Waa markii ugu horaysay oo maxaabiis lagu eedeeyay Kalluumaysi sharci darro ah lagu maxkamadeeyo degmada Garowe.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM