Aloore: ''Garoonka ciidamada Puntland ayaa difaacaya''

Image

Sept 28, 2014 (GO)- Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inaysan wax cabsi ah ka qabin weeraro dhanka Galmudug uga yimaada.

Xasan Cismaan ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin is hortaag lagu sameeyey diyaarad waday Qaybdiid oo kasoo degi lahayd garoonka Cabdilaahi Yuusuf, isagoo intaas raaciyey dadku inay u siman yihiin garoonka Gaalkacyo balse Puntland aysan ogolaan doonin in garoon kale laga bar bar sameeyo kii horay u jiray.

" cabsi kama qabno Cabdi Qaydbiid inuu nasoo weeraro, Puntland way isku fulin tahay Cabdi Qaybdiidna waa la yaqaanaa,  balse waagii dagaal nooga yimaado taariikhdu way qormaysaa Puntladnna way is difinaacaysaa dhulkeeda'' Aloore ayaa yiri.

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qaybdiid ayaa horay u sheegay inasan xaq ahayn in Puntland gaarkeeda u maamulato garoonka, wuxuuna Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka ugu baaqay inay soo faro galliyaan xiisada ka aloosan magaalada Gaalkacyo.

Warar madax banaan oo soo gaaraya warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya Qaybdiid oo ay isku xiran yihiin masuuliyiinta Villa Somalia inay damacsan yahay sidii Gaalkacyo loo keeni lahaa ciidamo ka socda AMISOM inta ka horaysana Galmudug ay abuurayso xiisad aan horay u jirin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM