AMISOM oo dalab ka sugeysa dowlada Somalia iney tagto Galkacyo

Image

Dec 7, 2015 (GO)- Afhayeenka AMISOM oo la hadlay mid kamid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegey in ciidamadooda tagayaan magaalada Galkacyo hadii dowlada Federaalka waydiisato.

"Hadii dalab noocaas ah la sameeyo waa laga wada hadlayaa, waana la tixglinayaa." ayuu yiri Paul Najaguna oo la hadaya Idaacadas.

Paul Najaguna ayaa yiri ciidamada AMISOM waxey u yimaadeen Somalia iney xasiliyaan nabada iyo daganaanshaha.

Ciidamada AMISOM ayaa yimid dalka Somalia sanadkii 2007 si ay u caawinaan dowlada Federaalka ee tabarta daran taasoo fadhigeedu yahay magaalada Muqdishu.

Hadalka afhayeenka ayaa ku soo beegmaya xilli xabad joojin laga gaarey colaada magaalada Galkacyo kadib markuu dagaalo khasaaro dhaliyey ku dhexmareen ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Maamulka Galmudug oo tageero siyaasdeed iyo mid ciidan ka hela dowlada Federaalka ayaa wafti uu hogaaminayo Ra'isal wasaaraha Somalia waxa ay ka qayb qaateen in xal laga gaaro colaada magaalada Galkacyo.

Madaxweynaha Puntland oo horey u diidey inuu aqoonsado Galmudug markii lagu dhisey magaalada Cadaado ayaa dagaalka Galkacyo kadib waxaa lagu khasbey inuu wadaxaajood la qaato madaxweynaha maamulkaas Cabdikarim Xuseen Guuleed.

Dhinaca kale beesha caalamka ayaa la rumeysan yahay iney cabsi galisay siyaasiyiinta labada maamul kadib markii ay sheegtey in lala xisabtami doono hadii uu sii socdo dagaalka magaalada Galkacayo.

Puntland iyo Galmudug ayaa dagaalamey iyadoo midba midka kale ku eedeeyey in weerarka soo qaadey kadib markii ay isku qabteen wado xukuumada madaxweyne Gaas ka dhiseysay xaafada Garsoor ee ku taal xuduuda labada maamul.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM