Axmed Madoobe oo booqday meelaha ciidamada laga qaaday Galkacyo

Image

06 December, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jubbaland oo weheliyaan guddiga loo xilsaaray kala qaadista ciidamada labada maamul, Puntland iyo Galmudug, ayaa tagay goobihii ciidamadu fadhiyeen.

Socdaalka oo Axmed Madoobe ku weheliyeen, wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somalia iyo Arrimaha Gudaha, ayay ku tageen goobihii dagaalku ka dhacay, iyagoo hubiyay in la oofiyay ballantii kala qaadista labada ciidan.

Guddiga hawshaasi loo xilsaaray ayaa sheegay inay la banneeyay dhammaan ciidamada labada dhinacay, marka laga reebo Boliis labada maamul ka kala tirsan.

Mas'uuliyiinta ayaa sidoo kale tagay goob ay ku sugnaayeen mallayshiyo beeleed dhawaan agagaarka Garoonka diyaaradaha ku dillay labo ruux oo mid dhaawac soo gaaray, waxaana lagu guulaystay iyagana inay goobtaasi faarujiyaan.

Hawshan ayaa timi xilli la waday kala qaadis ciidan iyo hishiis ka taaba galay magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Dadkii ka barakacay ayaa dib ugu soo laabanaya magalada, waxaana weli xiran goobaha waxbarasho, balse ganacsiga ayaa u socda qaab ka duwan sidii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM