Axmed Madoobe oo Garowe imaanaya

Image

29 November, 2015(GO)-Wararka soo gaaraya Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya inuu maanta Garowe imaanayo wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Maxamed "Madoobe".

Safarka Madoobe, ayaa la xiriira arrinta Galkacyo iyo sidii uu gacan uga gaysan lahaa nabad lagu soo dabaalo dagaallada ka dhacay 22 iyo 28 November kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhawac.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale la saadaalinayaa inuu tago magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug oo ah goobta dagaalku ka dhacay.

Maaha markii ugu horraysay oo wafdi ka socda Jubbaland, deegaanada Puntland u yimaadaan sidii loo soo afjari lahaa, khilaaf ama colaad taagan, waxaana dhawaan soo gaaray wafdi odoyaal dhaqameed kuwaasi oo ka qayb qaadanaya nabadaynta beelo ood-waadag ah oo ku dagaallamay gobollada Sool iyo Nugal qaybo ka mid ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM