Baarlamaanka PL oo ka doodaya xeerka guddiga doorashooyinka

Image

December 2, 2014 (GO)- Baarlamaanka Puntland oo weli ku jira kal-fadhigiisii 34aad ayaa maanta loo qaybiyey hindise-sharciyeed ku saabsan wax-ka-bedel lagu sameeyey qodobo kamid ah xeerka guddiga doorashooyinka Puntland.

Xeerkan oo markiisii ugu horreysey la ansixiyey bishii January ee sanadkii 2011 waxaa  shan maalmood kahor wax-ka-bedelka lagu sameeyey shirkoodii todobaadlaha ahaa ku meel mariyey Golaha Wasiirrada Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Siciid Xasan Shire ayaa ugu horeyn golaha u faah faahiyey hindise-sharciyeedka isagoo sheegay in xeerkaasi yahay mid horay u jirey balse lagama maarmaan loo arkay in wax laga bedelo.

Xildhibaannada ayuu ka codsaday inay isha soo mariyaan isagoo intaas raaciyey in maalinta Sabtida ee soo socota laga doodi doono.

Ugu dambeyntii waxaa hindise-sharciyeedka loosoo gudbiyey baarlamaanka golaha ka hor akhriyey Xog-haya Guud ee Golaha Wakiillada Puntland Cali Axmed Saalax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM