Puntland oo si kulul u cambaareysay ku xadgudubka Nabi Maxamed

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Fadhiga 5-aad, Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa waxaa la gudo-galay qodobka 2aad ee Ajandaha oo ka hadlaya Warbixinnada Guddiyadda Golaha Wakiillada.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 43 Xildhibaan, ayaa waxaa si rasmi ah u furay

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Soo jeedin ka dib, Madax-guddiyeedyadda Golaha Wakiillada DPL ayaa codsaday in dib loogu dhigo soo jeedinta Warbixinnada Guddiyada illa maalinta maalinta berri ah ( November 01, 2020).

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa guud ahaan ugu baaqay shacabka Muslimiinta inay difaacaan sharafta Nabigenna suuban naxariis & nabadgalyo dushiisa ha ahaate, waxa uuna tilmaamay inay tahay wax aan la aqbali karin in meel looga dhaco sharafta suubanaheena NNKH.

Baarlamaanka Puntland

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM