Baarlamaanka Puntland oo la xisaabtamay Wasaarada Kaluumaysiga

Image

November 23, 2014 (GO)- Iyadoo wali uu socdo la xisaabtanka wasaaradaha Puntland oo baarlamaanka usoo gudbinaya warbixino ku saabsan wax qabadkooda tobankii bilood ee lasoo dhaafay, ayaa waxaa maanta Golaha hortegey Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

Wasiirka kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdinuur Cilmi Maxamud Biindhe iyo agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta ee Wasaarada Kaluumaysiga Cabdiqaadir Xaaji Yuusuf ayaa xildhibaanada baarlamaanka uga warbixiyey waxqabadka wasaaradda.

Wasiir Biindhe oo hadalka ku horeeyey ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in wasaarada uu madaxda ka yahay lala xisaabtamo isagoo intaas raaciyey inay ka jawaabi doonaan faah faahin dheeri ahna ka bixin doonaan wax kasta oo la weydiiyo.

Xildhibaanada ayaa su'aalo kulkulul weydiiyey madaxda wasaarada, waxaana ugu muhiimsanaa heshiisyada ay la gashay shirkadaha shisheeye ee ka kaluumaysta xeebaha Puntland, xildhibaanada ayaa soo jeediyey in qandaraasyada caynkaas ah loo baahan yahay in lala galao shirkado maxalli ah iyo weliba in la tababaro kaluumaysatada Puntland kadibna dowladu ka gadato dibadana u iib geyso.

Intaas kadib waxaa waxqabadka wasaaradda ka hor akhriyey baarlamaanka agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta ee Wasaarada Kaluumaysiga Cabdiqaadir Xaaji Yuusuf, dhinacyada uu sheegay in Wasaaradu wax ka qabateyna waaa kamid ahaa:

  • Dib u eegista sharciyda wasaarada. 
  • Diiwaan gelinta gaadiidka kalluumaysiga.
  • Dhameystirka diiwaan gelinta  bad-maaxiinta.
  • Baahinta adeegyada Wasaarada oo la gaarsiiyey deegaanada fog fog.
  • Kor u qaadista aqoonta kalluumaystada.
  • Ilaalinta noolaha badda .

Baarlamaanka Puntland oo ku jira kal-fadhigiisii 34aad waxaa labadii todobaad ee ugu dambeeyey hor yimid in ka badan 10 wasaaradood.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM