Golaha Wakiilada dowladda Puntland oo u yeeray laba wasiir

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Shirka 3-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa warbixino laga dhageystay Madax-guddiyeedyada guddiyada Golaha.

Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Fadhigoodii maanta ayaa warbixinno ka dhageysteen Madax guddiyeedyada Guddiyada, kuwaas oo kormeero ku tegey, kulamo la qaatay Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dawladda Puntland.

Ujeeddada kulamadaas oo ku aadanaa xog-isweydaarsi, waxqabadka, qorshayaasha iyo caqabadaha jira ee u baahan in guddiga joogtada ah wax ka qabto.

Dhinaca kalena, Guddiga joogtada ah ayaa loo qeybiyey xeerarka Goluhu ku ansixiyey kalfadhiga 46-aad kaas oo faafinta rasmiga ah lagu soo saaray, kuwaas oo kala ahaa;-

Wax-ka-bedelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Golayaasha Deegaanka Dawladda Puntland.  Xeerka Maareynta Dhulka Magaalooyinka Dawladda Puntland.

Ugu dambayn, dhageysiga warbixinnada ka dib guddiga joogtada ahi waxay go’aamiyeen in loo yeero; Wasiirka Maaliyadda DPL 2. Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah DPL

Wasiiradda ayaa wax laga weydiin doona cabashooyin ay ka soo gudbiyeen Madax-guddiyeedyada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM