Bangiga Aduunka oo caawinaya Dowladda Puntland

Image
Image
Image
Image

October 28, 2014 (GO)- Wafdi ka socda Bangiga aduunka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magalo madaxda Puntland ee Garowe kuwaasoo u guur galayay mamulka maaliyadda iyo sida loo caawin karo dowladda.

Waxay booqdeen Bangiga dowladda iyo xarunta wasaradda Maaliyadda halkaasoo ay kulan kula qaateen masuuliyiin ka socda wasaradda maaliyadda, Bangiga, Baarlamaanka iyo hay'adda shaqalaha rayidka.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Shire Xaaji Faarax oo saxafadda la hadlay ayaa sheegay bangiga caalamka inuu taageero siinayo Puntland si loo bixiyo qarashaadka shaqalaha dowladda, Shire ayaa sheegay inay ka wada hadleen saraakiishan.

1 In dhamaan Hay’adda Dowladda Puntland ay awood u lee yihiin inay kasoo bixi karaan dhamaan shuruudaha Bangiga kula shaqaynayo Puntland.
2 Kor u qaadista awoodaha shaqaalaha dowladda.
3 Ka shaqaynta PSG5 si loo gaaro hadafka hiigsiga cusub ee lagu dhisayo Wadanka.
4 Dhamaystirka Shuruucda Hayadda Qandaraas bixinta ee Puntland.
5 U diyaar garow-ga Mashruuca Hormarinta Degmadda (Caasumadda).

Waxa uu sheegay masuulkan sanadka soo socda inay ka sugayaan bangiga caalamka dhaqaale lagu kabo mushaharka shaqalaha dowladda.

Klinston Cole oo wafdigaan hoggaaminayay ayaa dhankiisa sheegay inay ka caawin doonaan Puntland sidii loo hagaajin lahaa tayadda shaqalaha iyo shaqadda ay hayaan gaar ahaan tan maaliyadda.

Dowladda Cabdiwali Cali Gaas ayaa dhibaato ka haystaa bixinta mushaharka ciidanka iyo shaqaalaha iyadoona dadku ay doodo ka keenaan halka loo dhigo canshuurta laga qaado dadka iyo waliba dekadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM