Barlamaanka Pl oo ka hadlay walaaca laga muujiyay Shirkadaha Isgaarsiinta

Image

November 3, 2014 (GO)-Baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay walaaca ay shacabka ka muujiyeen shirkadaha Isgaarsiinta oo kor dhiyay qiimaha wicitaanka talleefoonada gudaha iyo dibadda .

Gudoomiyaha guddiga arrimaha bulshadda ee Barlamanka Xildhinaan Xasan Xaange Maxamed oo shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay inaysan raali ka noqon doonin culus dhaqaale oo shacabka la saaro maadama shirkadda Golis oo ka mid ah kuwa ugu tunka weyn ee ka shaqeeya Puntland ay kordhisay qiimaha wicitaanka.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay Shirkadda Isgaarsiinta inay wax ka qabtaan cabashadda shacabka taasoo maalmihii ugu danbeeyay si weyn loo dareemay iyadoona inta badani dadku ka cabanayaan Shirkadda Golis oo kordhisay qiimaha wicitaanka gudaha iyo dibadda.

Mamulka Golis wali kama aysan hadlin cabashadda iyo eedaha loosoo jeediyay, taasoo saameyn ku yeelatay bulshadaha qaybaheeda kala duwan.

Wasiirka warfaafinta Cabdiwali Xirsi Indhoguran ayaa maalin ka hor sheegay inay jabiyeen shirkadda isgaarsiinta heshiiskii ay la galeenay.

Indho Guran ayaa digniin u jeediyey saddexda shirkadood ee ugu waaweyn Puntland (Golis, Nation Link iyo Somtel) isagoo xusay in dowladu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto hadii ay jebiyaan heshiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM