Barlamaanka Pl oo ka hadlay walaaca laga muujiyay Shirkadaha Isgaarsiinta

Image

November 3, 2014 (GO)-Baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay walaaca ay shacabka ka muujiyeen shirkadaha Isgaarsiinta oo kor dhiyay qiimaha wicitaanka talleefoonada gudaha iyo dibadda .

Gudoomiyaha guddiga arrimaha bulshadda ee Barlamanka Xildhinaan Xasan Xaange Maxamed oo shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay inaysan raali ka noqon doonin culus dhaqaale oo shacabka la saaro maadama shirkadda Golis oo ka mid ah kuwa ugu tunka weyn ee ka shaqeeya Puntland ay kordhisay qiimaha wicitaanka.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay Shirkadda Isgaarsiinta inay wax ka qabtaan cabashadda shacabka taasoo maalmihii ugu danbeeyay si weyn loo dareemay iyadoona inta badani dadku ka cabanayaan Shirkadda Golis oo kordhisay qiimaha wicitaanka gudaha iyo dibadda.

Mamulka Golis wali kama aysan hadlin cabashadda iyo eedaha loosoo jeediyay, taasoo saameyn ku yeelatay bulshadaha qaybaheeda kala duwan.

Wasiirka warfaafinta Cabdiwali Xirsi Indhoguran ayaa maalin ka hor sheegay inay jabiyeen shirkadda isgaarsiinta heshiiskii ay la galeenay.

Indho Guran ayaa digniin u jeediyey saddexda shirkadood ee ugu waaweyn Puntland (Golis, Nation Link iyo Somtel) isagoo xusay in dowladu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto hadii ay jebiyaan heshiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM