Barlamaanka PL oo qodob ka saaray xeerka gudiga doorashooyinka

Image

December 7, 2014 (GO)- Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa maanta meel mariyey inta badan qodobada xeerka gudiga doorashooyinka Puntland.

Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar (Surcad) ayaa Radio Garowe uga waramay tiradda qodobada ay meelmariyeen tan iyo Sabtidii shalay, wuxuuna sheegay inay maanta doodu ahayd mid xasaasi ah oo lagu raagay.

Qodobka tobnaad ee xeerka guddiga doorashooyinka oo ka hadlayay doorka wasaradda Dastuurka Puntland ku lee dahay xeerkan ayuu Surcad tilmaamay inay guud ahaan ka saareen ka dib markii cod gacan taag ah xildhibaanadu ugu codeeyeen.

Xildhibaanku wuxuu sidoo kale sheegay inay mudo ka doodayeen qodobka ka hadlaya da'da oo markii danbe la isla qaatey in laga dhigo afartan jir cida u tartami karta xilka madaxtinimadda Puntland sida uu Siciid Surcad sheegay.

Xeerkan oo ka kooban 24-qodob ma jirto qodobo ahmiyad leh oo xukumadda Gaas kusoo kordhisay marka laga reebo qodobka todbnaad oo Baarlamaanku diiday in lagu daro.

Boqolkiiba sagaashan xeerka guddiga doorashooyinka ee maanta Baarlamaanku meel mariyey wuxuu lamid yahay kii ay meelmarisay dowladdii Cabdiraxmaan Farole.

Halkan ka akhri Faalada Garowe Online ka qorey Xeerkaan markii la horkeeney Barlamanka Puntland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM