Barlamaanka PL oo su'aalo weydiiyey Hay'adda shaqaalaha rayidka

Image

November 26, 2014 (GO)- Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta su'aalo weydiiyey agaasimaha Hay'adda Shaqaalaha Rayidka ee Puntland Mustafe Siciid Shabac.

Xildhibaanada ayaa ugu horeyn warbixin kooban oo ku saabsan waxqabadkii hay'addaas ee todobadii bilood ee la soo dhaafay ka dhegeysatey Agaasime Shabac.

Intaas  kadib qaar kamid ah xildhibaannada oo sheki ka muujiyey in shaqooyinka dowladda si xaq ah oo furan loogu tartamo ayaa weydiiyey su'aalo la xiriira shaqooyinka dowladdu soo dhejiso iyo qaabka dadka tartanka u gala loo kala xusho.

Si gaar ah xildhibaanadu waxay carrabka ugu dhifteen tartan dhowaan loo galay shaqooyin Wasaarada Waxbarashadu soo dhejisey, tartankaasoo sida xildibaanadu ku doodeen dadkii ka qayb galay ee weliba daroojinka sare helay laga tegey shaqooyinkiina la siiyey dad kale.

Agaasime Shabac oo taas ka jawaabayey  wuxuu sheegay  in hay'addu todobadii bilood ee lasoo dhaafay wax badan ka qabatay dhanka shaqada isagoo xusay inaysan jirin shaqooyin la musuq maasuqay taasna ay cadeyn sugan u hayaan.

Baarlamaanka Puntland oo weli ku jira kal-fadhiga 34aad wuxuu sidan oo kale shalay su'aalo u weydiiyey madaxda Hay'adda Hanti-dhowrka Guud ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM